Sidee loogu adeegsanayaa AKK afka hooyo?

AKK (Habka dheeraad iyo dhameystiran ee isgaarsiinta) ayaa ah hab sida loo adeegsanayo si loo kaalmeeyo isgaarsiinta udhaxaysa dadka markii luqadda lagu hadlo ay siyaabooyin kala duwan aanay ku filnayn. Si loo fududeeyo shaqsiga isgaarsiintiisa iyo ka qayb-qaadashiida marxaladaha oo dhan waxaa la adeegsanayaa calaamad, nidaam sawir ah oo  kala duwan ama qalabka caawinaada farsamada. AKK waxaa loo baahnaan karaa waqti gaaban ama noqon kara taageero nolosha lagu maro. Shaqsiyaadka oo leh af hooyo kale oo aan swedhish ahayn waxaa jira fursad in la adeegsado dhamaan AKK qalabahiisa oo lagu daray afka hooyo. Si loo adeegsado TAKK (calaamad sida AKK) waxaa la adeegsanayaa faro ka hadalka oo ah swedhiska laqada faro ka hadalkooda si loo kaalmeeyo iyo dhameestira waxa la rabo in lagu sheego swedhishka. Isla sidaa ayaa loo adeegsanayaa TAKK afka hooyo  lakiin wax ay kaga duwan tahay luqada faro ka hadalka swedhishka waxaa loo adeegsadaa si loo kaalmeeyo loona dhameestiro shaqsiga afkiisa hooyo. Isgaarsiinta sawirka ayaa loo adeegsadaa ayadoo la kaashanayo luqada loo baahan yahay. Khariidada isgaarsiinta, jadwal, farshaxanka hadalka ama sheekooyin bulshada ayadoo qoraal si dhameestiraya sawirada waxaana lagu qori karaa swedhiska, afka hooyo ama labada luqadood.